Furahanolosha.tk
ka baro wax walba
  • Home
    • Windsor
  • Aqoon kororsi
    • Furahanolosha Live TV
  • Cashiro
    • Xisaab
    • Computerka
    • Heeso
  • Download
  • Heeso Qoraal leh
  • Ila Qosol
  • Chatroom
  • Contuct us
  • live soccer
  • Dhageyso Quran
  • Hor'umar

Baro AF Hindi Si'fudud

10/14/2011

1 Comment

 
1 ( koow ) Do : 2 ( laba )

Tiin : 3 ( sadex )

Chaar : 4 ( afar )

Paach : 5 (shan)

Chaih : 6 (lix)

Saat : 7 ( todoba )

Aath : 8 (sideed)

Nao : 9 ( Sagaal )

Das : 10 ( toban )

********************************

Sao : 100 ( boqol )

Ek Sao ek : 101 (  Boqol iyo Koow )

Ek Sao biis : 113 ( Boqol Sedex iyo Toban )

Do Sao : 200 ( labo boqol )

*******************************

Das Hazaar : 10 000 ( toban Kun )

Ek Laakh : 100 000 ( Boqol Kun )

Das Laakh : 1,000 000 ( Hal Malyan )

Ek Karor : 10, 000 000 ( Toban Milyan )

=============================

Erayo kale oo Muhiim ah atsha atsha

Chahiya == > wixii aad macaansato

Razee ==> Muwaafaq ama raali ka ahaansho

Naraz ==> wixii aadan raali ka eheen

Jawab ==> Jawaab

Kharab ==> wixii haleesan, Kharaab ah

Haseen ==> quruxleey

Jism ==> jir (body)

Lekin ==> laakiin

Badal ==> Badalid ama wixii la badalayo

Joorm ==> Fal Dambiyeed

Taaj ==> taajka arooska, boqorada iwm

Shiataan ==> sheeydaan

Mushkil ==> dhib, mashaakil

Seedha ==> Mubaashir ama Live (seeda)

Qayamat ==> Maalinta Qayaamaha

Mazbut ==> wixii sugan, la hubo camal

Khali ==> maran, eber, ama khaali ah

Bas ==> bes, micnaha bes naga dheh oo kale

kaafee ==> ku filan, kifaaya ah

Hallas ==> khalaas

Taza ==> biseel

Nafraat ==> naceeb

Jannat ==> Janno

Jahannum ==> Jahanamo

Quatl ==> Dil

Quateel ==> Dilaa

Kanoon ==> Qaanuun

Ishq ==> Cishq, ama Jaceyl

Mohabbat ==> kal gaceel

Mulaqaat ==> Kulan

Subah ==> subax

Masjid ==> sujuud

Zyada ==> wax badan, ziyaado ah

Aitraaz ==> Mucaaradeen, ama laga soo horjeesto

Aman ==> nabad gelyo, amaan

Mashahoor ==> caan, qofkii caan ah

Waadaa ==> Balan ( sidaan u aqri Vaada )

Izzat ==> sharaf, ixtiraam

Sahee ==> sax, ama saxiix

Gham ==> Murug, (sad) ama (xuzn )

Sadmaa ==> Shil

Chai ==> Shaah

Safar ==> Safar

Duniyaa ==> aduunyo, ama caalmka

Ebadat ==> Cibaado

Galat ==> khalat ama gef

haal ==> Xaal ( tusaale: xaaladaada kawaran )

1 Comment
 

Fadlan u faaiidee walaalaahaga soomaaliyeed waxaad dheertahay!

06/19/2011

1 Comment

 
Fadlan u faaiidee walaalaahaga soomaaliyeed waxaad dheertahay!
1 Comment
 

Aqristow ma ogtahay?

06/18/2011

0 Comments

 
In Nabi Maxamed(C.S.W) noolashiisa oo dhan uu hal mar soo xajiyay. 

In saxaabiga Salmaan Alfaarisi (R.C.) uu yahay saxiibigii u sheegay Nabigga (C.S.W) in god la qodo duulaankii Khandakh. 

In Saxaabiga Cusmaan Bin Cafaan (R.C.) uu ahaa Ruxii ugu horeeyay ee xafida qur”aanka kariimka ah marka laga reebo Nabiyulaahi Maxamed(C.S.W) 

In magaalada barakeysan ee Madiina uu magaceeda saxda ah yahay Yathrib. 

In internetka la oranjiray ARPANET (Advanced Research Project Agency network) 

In Jamaica ay leedahay 120 wabi. 

In China ay soo saarto 70% boombalayaasha caalamka. 

In taajirka weyn Bill Gates uu programinta computerada bilaabay asaga oo 13 jir ah. 

In magacyada qaaradaha aduunka ay ku wada dhamaadan xarafka ay ka bilowdaan. 

In markabkii jaceylka Titanic lagu sameeyay Belfasta. 

In Washington( D.C)loo soo gaabiyaya Distract of Colombia (dagmadii Colambia) 

In caasimada Japan Tokyo mar la oran jiray Edo. 

In geelu uusan ku dhalan kuruska. 

In gaarigacankii ugu horeeyay caalamka lagu sameeyay China. 

In kaneecada mideeda dhadig oo qura ay wax qaniinto. 

In Sucuudi Carabiya aysan laheyn wax wabiyo ah. 

In kursiga maasada ee dadka lagu ciqaabo uu hindisay Dantist(dhaqtar ilko) 

In xayawaanka oorsada loo yaqaano uu leeyahay 42 ilkood. 

In Britain ay tahay wadankii ugu horeeyay ee isticmaalo Istaambooyinka Boostada. 

In guriga weyn ee lagu magacaabo Tajmahal uu gabi ahaantiisba ka sameysanyahay( Marble)Marmar. 

In quraanshadu aysan hurdin innaba. 

In typeka la Hindisay 1829. 

In D.N.A ay u taagantahay Deoxyribonucleic acid. 

In madaxweynihii hore ee mareykanka George Bush kooxdiisa Basebal-ka ee jaamacada Yale uu u ahaan jiray kabtan. 

In 2010 Soomaliya ay noqotay wadanka ugu liita caalamka. 

In xiligii Peter ninkasta oo Ruushinyaan ah oo gar leh laga qaadi jiray Canshuur gaar ah. 

In boqor Henerygii France iyo madaweynayaashii Louis iyo Napoleon ay intuba ka baqanjireen bisadaha. 

In Iceland ay tahay wadankii ugu horeeyay ee sharci ka dhiga ilma iska ridista 1935. 

In towerka dheer oo ay Paris caanka ku tahay la yiraahdo Eiffel. 

In madaxweynaha talada haya ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu ku soo barbaaray Guri laga qaado Towxiid dheere.( nooc Digriga ka mid ah) 

Add Comment
 

Su'aalo iyo Jawaabo

06/18/2011

0 Comments

 
Su’aal Sheeg meesha uu ku yaal madxafka ugu weyn dunida? 

-Jawab: Wuxuu ku yaalaa alexandaria Egypt (Masar) 

-Su’aal Sheeg magaca ninkii ku soo daray xisaabta Jajab Tobanlaha? 

Jawab: Waxaa weeye Jamshiid Bin Masud 

Su’aal Sheeg shayga dareeraha ah eek u bara-fooba kulka (kuleel). 

-Jawab: Waa ukunta. 

–Su’aal Sheeg Qasri bili’aadamka uu lee-yahay kan ugu weyn meesha uu ku yaalo? 

Jawab: Jawab wuxuu ku yaalaa dalka burunaay, Waxaana iska leh Boqortooyada dalkaasi ka 

dhisan.Su’aal Sheeg seddex ( 3) Magaalo oo ku kala yaala Africa, Asia, America oo haddii la-micneeyo ay 

Isku Micno yihiin? 

-Jawab: Waxay kala yihiin. New York, Addis Ababa, iyo New Delhi. Micnahooduna waa ubixii cusbaa. 

Su’aal Sheeg waqooyiga soomaaliya sanadkii uu yimid gumeystaha ? 

-Jawab: Wuxuu yimid Sanadkii 1887. 

-Su’aal Sheeg Koonfurta soomaaliya sanadkii uu yimid gumeystaha? 

-Jawab: Wuxuu yimid sanadkii 1889. 

su'aal- sheeg buurta somaliya ugu dheer magaalada iyo gobolka ey ku taalo? 

Jawab- waxay ku talaayaa magaalada ceerigaabo ee gobalka sanaag. 

Su'aal- sheeg buurta somaliya ugu dheer magaceed? 

Jawab- buurta somaliya ugu dheer waxa ladhahaa suurat. 

Su'aal- sheg kumu aha madaxweynihii ugu horeyey ee afrikan kursiga madaxtinimada sixur ah kaga dago 

Jawab- wuxu ahaa aadan cabdule cusmaan (aadan cadde) alla yaa raxma aamiin aamiin aamiin 

Su'aal- sheeg wadanka adduunka ugu islaamka badan? 

Jawab- waa wadanka loo-yaqaano Indonesia. 

Su'aal- sheeg ninkii ugu horeeyey ee dayax gacmeed duuliyey iyo wadanka uu u dhashay? 

Jawab- magaciisa waa yuur gaagariin, dalka uu u dhashay waa ruuska (Russia) 

Su'aal- sheeg afartii wax yaabood ee uu gariiga (Greece) ku darsada aqoonta kimistiriga ()chemistry)? 

Jawab- wuxu ku darsaday 1= dhulka, 2= badka, 3= hawada, 4= iyo biyaha. 
Su'aal- sheeg ileyska imisa nooc ayuu u kala baxaa? 

Jawab- ileyska wuxu u kala baxaa, 1= mid dabiica ah. 2- iyo mid aan dabiici eheen. 

Su'aal- sheeg isha ugu muhiimsan ileyska (iftiinka)? 

Jawaab- isha ugu muhiimsan ileyska (iftiinka) waa qoraxda. 

Su'aal- sheeg goorma ayaa la hir-galiyey madbacaddii ugu horeesay ee caalamka? 

Jawab- waxa la hir-galiyey sanadkii 1940-kii 

Su'aal- sheeg waa maxay shey-ga kaliya ee uu arko indhoolaha? 

Jawab. Sheyga kaliya ee uu indhoolaha arka waa riyada. 

Su'aal- sheeg mudada uu uurka ku sido nibiriga ilmihiisa? 

Jawab- nibiriga wuxu ilmihiisa caloosha ku sidaa 365 maalmood (hal sano) 

Su'aal- sheeg magaalada ugu qadiimsan caalamka? 

Jawab- magalada caalamka ugu qadiimsan waa magadala arriixa waxay-na ku taalaa dalka falastiin. 

Su'aal- sheeg dowladii ugu horeesay ee soo saarta sokorta? 

Jawab- dowladdii ugu horeesay ee soo saartay sokorta waa dowladda kuuba (cuba) 

Su'aal- sheeg wabiga shabelle meesha uu ku dhamaado? 

Jawab- wabiga shabelle wuxu ku dhamaadaa meesha la yiraahdo dhaay tubaako. 

Su'aal- sheeg wabiga juba meesha uu ku dhamaado? 

Jawab- wabiga juba wuxu ku dhamaadaa meesha la yiraahdo guub wayn 
Add Comment
 

Gabar Soomaaliyeed oo lagu kala iibsaday magaalada Johannesburg ee dalka K/Afrika Dhacdo yaable.

06/18/2011

1 Comment

 
Aduunka wax kasta ka fillo, wax kastana waa la maqlayaa, waan hubaa in uu kusoo jiitay ciwaanka sheekada, laga yaabee in aad u malaynayso in aan ka hadlayno gabar waalidkeed guurkeeda lacag ku qaatay, maya taasi ka hadli meeyno, waa qiso layaab leh uu qoray wargeeska Xog maal ee kasoo baxa dalka K/Afrika. 


Ma aamineysid marka aad u dhacdo dulucda sheekada, wiil dhalinyaro ah ayaa Paltalk-ga (aalad internet-ka ka mid ah oo lagu haasaawo) ka bartay gabar soomaaliyeed oo dibadaha ku nool, muddo ayay wada sheekeysanayeen oo shukaansi iyo sheeko wadaag ahaayeen. 


Muddo kadib waxaa la gaaray xiligii la guran lahaa mirihii jacaylka, waxaa lagu heshiiyey in gabadha timaado halkan oo la’is guursado, laakiin markii ay gabadha tahay inay soo ambobaxdo ayuu wiilkii ogaaday da’deeda oo ahayd mid aad oga weyn tii ay sheegatay. 


Tallo ayaa ku cadaatay, wuxuu sameeyo ma garanayo, ma xumeyn karo mana xalaaleysan karo oo waa qof aad uga weyn, maalinkii dambe ayaa waxaa kusoo dhacay fakir cajiib ah, oo waa maxay? 


Hoteel uu degenaa ayaa waxaa la degenaa mid buufis madax maray oo ku waashay haweenka dibada jooga, malaha markaas ayuu tuulada kasoo baxay oo waa uu kululaa, wiilkii gabadha u imanaysay wuxuu arkay fursad ah in uu gabadha ka qarxisan karro ninkani hororka ah. 


Wuu u yeerey, sheekadii ayuu u sheegey, wuxuuna ka dhaadhiciyey in uu gabadha ku wareejiyo, oo isaga u imaanayso gabar kale, ayna jiraan rag kale oo lacag diyaar la ah, wuxuu u sheegey in haddii uu doonayo in booskani uu galo ay fursad u tahay oo uu durbo dhoofayo, laakiin uu bixiyo lacag R40 kun dhan. 


Waa uu ogolaaday kii kale, waana la gorgortamay, waxaa lagu heshiiyey in uu bixiyo R30 kun oola dhigayo meel xawilaad ah marka uu gabadha guursadana la siinayo kan kale , kadib muddo 2 todobaad ah waxaa wiilkii la barayay sheekadii kadhaxaysey wiilka iyo gabadha, mudadaas 2da todobaad ah ayaa laga bixiyey tabobar layaab leh oo ku saabsan wax alaale wixii hadal ahaa ee labada qof dhex maray. 


Maba ahan wax maskaxda caadiga ah ay ka fikiro karto, waana wax ay adagtahay in la rumeysto, laakiin waa qiso dhacday. 


Markii ay gabadhii soo degatay waxaa garoonka ka dooney kii iibsaday, soona qaaday, gabadha waxbo meeysan dareemin maadaamaa aysan wiilka horey u arag sawirkiisa, waayo iyada meeysan ogoleyn in sawirkeeda ay dirto ama sawir gasho oo gabar wadaad ah ayay ahayd, isaguna sawir umaba dirin iyaduna kama codsan. 


Habeenkiiba dambaba meher ayaa qac laga siiyey, waana la aqal galay, haddii dhowr habeen la’isla hoydey ayaa laga sheekeystey waxyaalihii hore ee dhexmaray, ma iyagaaba ah wax lasoo koobi karro,kow iyo labbo haddii sheekada la wadayba wiilkii gabi ayuu kolba ka dhacaa. 


Gabadhii shaki ayaa loo taagay, waxay gashay “war maxaa ku heley, miyaadan hebelkii aan aqiiney ahayn, sidee wax kaa yihiin, mise gadaasheey ayay maskaxdii kaa masaxantay”, markii dambe waxay ogaatay magaciisa dhabta ah oo dabcan ka duwan ninkii ay taqiiney, codkii ma ahan kii hore, kaftankii iyo haasaawihii iyo waliba dabeecadii ma ahan wixii ay taqiiney, tallo ayaa ku cadaatay. 
1 Comment
 

Somali Girls

06/18/2011

1 Comment

 
hese are the 6 types of Mali chicks known so far!!! 


(1) YOU NAME IT: 
(a) She is very religious. 
(b) Listens to BBC Somali. 
(c) She only knows how to read and write Somali. 
(d) She is very tribal. 
(e) She knows everybody and their tribe. 
(f) Wears big jalbaab. 
(g) For her, there is nothing called 'Date' and anyone interested in her should come to her parent's home officially. 

CAUTION GUYS! 
She is one of those girls that most North American Somali men marry when they go back home only to realize later that the poor girl can't differentiate between a Piriton and an Aspirin! 

(2) SAHRA WAAWEENKA: 
(a) She's over 30 and still single. 
(b) Economically, she's all good. 
(c) She drives a RAV4 or a Pathfinder. 
(d) She's suspicious of all men. 

CAUTION GUYS! 
She has seen every man and their tricks. So be careful with her. Don't be the idiot who tries to talk to her with some tired lines. Be creative. 

3) YASMIN RAGEEDII: 
(a) You will probably spot her wearing jeans. 
(b) She hangs out around starbucks or you will spot her checking for shoes she never buys at Filenes or JC peney. 
(c) She's subscriber to the COSMO, PEOPLE or VOGUE. 
(d) She knows Tom Cruise's middle name. 
(e) First time you meet her she gives you some concocted names like Rasina, Intisar, Tahani, or even Ishwaq until you realize she's called Faduma. 
(f) She just finished reading Dennis Lehane's 'Mystic River' and is she's currently reading Steven levitts 'Freakonomics'. 

CAUTION GUYS! 
The problem with this kind of girl is not that can you date her; the problem is can you maintain her?. For example, you can take her out to a restaurant and you order the good old coke and fries and there she goes ordering Veggie Lasagna with Jamocha Shake and toppings. Next day your wallet will be hospitalized for severe bankruptcy. I'm not joking guys! 


(4) AYAAN ABAAYO: 
(a) She probably finished high school. 
(b) She acts hard to get even if she's dying for you. 
(c) She lives with her mum. 
(d) She listenes to Jubba and Samatar. 
(e) She hangs around with her friends which makes hard for boys to approach her. 
(f) She says no to first dates (as if first dates should be turned down from the men automatically). 

CAUTION GUYS! 
It's not easy to get this girl. The only way is if you tell her you love her very much. She will trust you until she catches you cheating and she will never forgive you in her entire life! 


(5) ZAMZAM BAASHAAL.COM: 
(a) Every teenage boy knows her. 
(b) You will spot her in every wedding videos and parties. 
(c) If there's rumor that tonight's party is canceled, the whole town calls 
her to confirm the news. 
(d) Easy to hook-up and probably you know her or someone you know does. 

CAUTION GUYS! 
She's falling in love with more men than she care to drop and that's why she's getting played. Guys, easy on her though; she's got a clean heart. 


(6) XAAWO TOMBOY: 
(a) She's always in the middle of the Boys. 
(b) She watches soccer. 
(c) She knows Ronaldo's first name. 
(d) Like a true boy, she changes the light bulb at home. 
(e) She's the one who answers the door bell every time it rings. 
(f) Probably this girl is a ..................! (read bellow). 

CAUTION GUYS! 
She's more of a boy than a girl. 
1 Comment
 

suaalo iyo jawaabo ku saabsan jacaylka

06/18/2011

1 Comment

 
1: waa maxay jacayl ? 

J: jacayl waa dareen xanbaarsan guur xalaal ah iyo wada noolaansho raaxmo leh oo aan marna lays saluugayn 

2.waa maxay kalsooni? 

j: sidaan filaayo kalsooni waa lawada garanayaa waa ta isku keenta laba qof waana ta ku gu dhiiri gelisa in aad ruux la sameysid xidhiidh jacayl naftaadana ku aamintid 

3:waa maxay xishood? 

j: xishoodku waa shay aad u wanaagsan badanaan qofka xishooda wuu ka dhex muuqdaa dadka kale hadii aan isku dayo in aan ka jawaabo kelmada xishood waa sida tan xishood waa ka sababa in wiilka ama gabadhu sameeyaan jacayl dhab aha waayo dadka qofba qofkuu ka xishood badan yahay ayuu ka heli ogyahay jacayl dhab ah iyo nolol wanaagsan 

4:Maxay dhalin yarada is jeceli u yidhaahdaan la'aantaa ma noolaan karo? 

j:waxay u yidhaahdaan si jacaylkoodu dhadhan iyo daneyn u sii yeesho qofka uu jecelyahayna aanu ka xiiso go'in 

5: ma marka ka heli taanku yimaado ayuu jacaylku yimaadaa mise marka jacaylku yimaado ayuu ka helitaankuna yimaadaa ? 

j:su aaashan sidaan filayo waa lawada garanayaa waayo marka ka helitaanku yimaado ayuu jacaylkuna yimaadaa soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa waxay indho arkaan ayey ilko gooyaan 

6: waa maxay dhibaatooyinka lagala kulmo jacaylka? 

j:dhibaatooyink lagala kulmo jacaylku maaha wax aynu halkan ku soo koobi karno waxaa tusaale wanaagsan inoogu filan dhaawaca soo gaadha lamaanayaasha is jecel marka ay ku midoobi waaayaan nolosha 

7:dadka ma ku waanin lahayd in ay jacayl dhab ah sameeyaan? 

j:waxaan jeclaan lahaa in aad su'aashan ka soo jawaabtaan idinka oo mahadsan 

8:maxaa sababa in qof qof kale u ilmeeyo ha dii uu ka diido jacaylkiisa? 

j:waxaa sababa dhaawac iyo dareen culus oo ka soo gaadha qalbiga marka uu ku guul dareysato jacaylka dhabta aha ee uu soo bandhigay 

9:ma jeclaan lahayd in daawo loo helo jacaylka adigu se maxaad daawo uga dhig lahayd hadii laguu keeno qof jacayl hayo? 

j:fadlan su'aashan waxaa mudan in aad akhristaw ka soo jawaabto si aan u ogaano fikradaada 

10:adiga oo qof jecel hadii wiil ama gabadh kuu yimaadaan kuuna sheegaan in ay jacayl dhab ah u hayaan qofka aad jeceshahay kaana codsadaan in aad jacaylkooda tix geliso maxaad sameyn lahayd? 

j:runtii tix gelintu waa wanaagsan tahay laakiin sidaan filaayo ma jiro wax walba oo dhaca qof jacaylkiisa is dhaafin lahaa taana waxaa tusaale inoogu filan cilmi boodhari waxaa helay jacayl dhab ah hodan in dartii loo soo furan way suurto geli weyday 

11.hadii aad jeclaatid inan misana si lama filaan ah walaasheed ama inan ka mida ah qoyskeedu kuugu soo bandhigato jacayl maxaad sameyn lahay 

j:akhristaw waxaa haboon in aad nooga soo jawaabto waxaad sameyn lahayd hadii taasi kula gudboonaato 

12:hadii aad jeceshahay qof misna aad ka baqaysid in aad u sheegto jacaylkaaga maxaad sameyn lahayd? 

s:rayi ahaan anigu waxaan sameyn lahaa waxaan si toos ah ugu sheegan lahaa jacaylkayga qofta aan jeclaaday aniga oo aan qofna u xilsaarin arimaha jacaylkayga 

13: weligaa qof ma jeclaatay muxuuse ku danbeeyey jacaylkaagu hadii aad sameysay ? 

j:sidoo kale su'aashan adigaa xaq u leh in aad ka soo jawaabto 

14:maa rumaysantahay jacayl laga sameeyo intarnet ama telfoon in lagu guulaysto ? 

j:haa waan rumaysanahay waayo waxaa jirta in dunindan wax walba lagu arki karo mana aha wax aad u sii ridan in ay rumawdo waayo horeba waa loo argakay dad ku guulaystay xidhiidhka caynkan ah 

15:Qof ayaad jeclaatay si xad dhaaf ah markaas ayaad ku tidhi la'aantaa qof kale ma guursanayo isna wuxuu kuugu jawaabay maya sidaa ha yeelin waxaa laga yaabaa in aan dhinto ama aynu is weyno qofkaasi ma qof ku jecel baa mise waa qof ku neceb? 

j:waa qof ku jecel wanaagna kula doonaya 

16:hadii aad tahay qof jacayl hayo ma jiraan heeso ama geeraaro aad adigu nafsad ahaantaada curisay ? 

j: jawaabtu waa dhankiina idinka oo raali ah 

17:hadii aad ruux jeclaato oo uu ku yidhaaho waxaan jeclahay qof kale ee raali noqo ma sidaas ayaad jacaylkaaga ku deyn lahayd mise waad ku dadaali lahayd sidii aad ku heli lahayd kuna kasban lahayd jacaylkiisa? 

j:waxaa soomaalidu ku maahmaadaa dadaalaa xaaji cabaas waa gaadhaa waxaana haboon in uuna qofku niyad jabin iskuna dayo in uu ku guulaysto jacaylkiisa taa hadaan ka gudbo qofku ma ilaawo jacaylkiisa u horeeyey ilaa uu meel ku hubsado guul ama guuldaro 

18:ma jeclaan lahayd in la sameeyo dad u dooda xuquuqda jacaylka? 

j:su'aashan adigaa lagaa sugayaa akhriste 
1 Comment
 

Free love Massage for her

06/18/2011

0 Comments

 
Sida baal dhaxe hee haabaya dabeelaha kal Gaceelka aan isku dayo in aan dareenkeyga sooo ururiyo, kuuna soo qoro, waayo waxeynu wadaagna ka xariir lagu tilmaamsado jaceel uu guur ku dhamaada. Ta iigu daran aan abaara ee, waa baaxada dareenkeyga oo ka qoto dheer in ereyo lagu cabiro, qalinkeyga ma awoodi karaayo in uu tilmaamo dabka igu baxaaayo, inkastoonu walbahaarka jaceelka ula simanahay bulshooyinka dunida, tan iyo waagiii Qeys iyo leyla iyo sheekooyinkiii kun iyo habeen ilaa iyo qarnigaan la sahmiyay xidigaha hadana saxuunta wareegta iyo dayax gacmeed yada kama gudbi karaan diilinta waqtiga si ey uga warkeenaan is arageeni. wali wuu ii sii bidhaamayaa hor joogsigaagiii aan ugu indha daraan daray Sida qof indho la'aayooo markuu horyimid cad ceeda uun ey indhihiii u baxeeen, Sidiii baan u wehehshadaaa dhambaladaan kuu soo qoraayay, walina dhaqtaradu ma ey helin cashirkii ley waraabin lahaaa, adaan kugu bogsanee ha la iii kaa raadsho, iyadoo wali leyga quusan bey dadkeygu yiraahdaan bilaw ka bogsatay bukaan kani


Malihi Geel iyo Ari toona , moodna haba sheegin, waxaanse ilaahey ku mahadiyaaa, cidina Qaan iguma lahana adiga mooyeee, Hantideydu waa jaceelkaaaga, adaaa wax walba ii ah, adaa i baray dha dhanka , sida daryeelkaagana ku bartay Qiimaha Runta iyo daacadnimada in ey dadnimaduba tahay. maanta dareenkeenu waa mid Qura, kolkaad ja tiraah ana Ca daan kugu daraaa. wareega dhiiga Wadnayoowgeena hal bowle midaa waraabiya. maantaan ilmadi iska tiray oo ey isku badaleen wabiyadiii walbahaarukuna ila waraabiya ubaxa aayaheena. markaad igu lamaantahay CAbsida ma a,aqaan mataqaanid adiguna beenta. wax waliba waa sidiisiii, waasa iga weydiiine Xuska jaceelkeena maxeynu ugu waqlalnaa?

Add Comment
 

HAWEENEY SOOMAALIYEED OO REERKEEDA U BURBURISAY FACEBOOK AWGIIS

06/18/2011

0 Comments

 
Haweeney Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Amsterdam ee dalka Nederland ayaa khilaaf soo kala dhex galay iyada iyo ninkeeda uu sababay in ay kala tagaan kadib markii haweeneydaasi ay waqtigeeda badan siisay isticmaalka Facebook-ga.

Haweeneydan oo magaceeda sababo dhinaca sumcada aan u soo bandhigi karin ayaa waxaa ay ninkeeda u dhashay hal cunug, iyadoo khilaafka furiinka keenay uu ka dhashay isticmaalka Facebooka oo inta badan sanadan aad looga isticmaalo caalamka.

Ninka qaba haweeneydan oo nala soo xiriiray ayaa sheegay in xaaskiisa xalaasha ah uu fursad u waayay waqti uu kula sheekeysto xiliyada shaqada uu ka soo baxo, isagoo intaa raaciyay in saqda dhexe habeenkii xitaa ay dul fadhido Miiska Computerka, taasoo keentay buu yiri in aan cannaan badan u soo jeediyo balse ka dhega adeegtay.


"Mudo bilooyin ah ayaa khilaafka aniga iyo Xaaskeygii aan kala tagnay uu soo jiidanmayey, hase ahaatee markii danbe waalidkii dhalay ayaa la socod siiyay arinta oo ay wax ka qaban waayeen, waxaana ka fursan waayay inaan kala tagno maadaama aan ahay nin nolol u baahan"ayuu yiri Aabahaasi Soomaaliyeed.

Dalalka Yurub iyo wadamada kale ayaa Ragga iyo Haweenku ay aad u isticmaalaan Facebook-ga oo noqday aalad isku xera dadyowga ku nool dunida, waxaana inta badan dhalinyarada ay isku bartaan Facebooka oo sahlay in ay kulmaan dad aan horay isu aqoon, iyadoo faa'iido badan iyo khasaaro intaba uu wato isticmaalka Facebooka.
Add Comment
 

Maah Maahyo Xarafka H

06/18/2011

1 Comment

 
1. haad habeen kacay waxbaa kiciyey. 
2. haani guntay ka tolantaa. 
3. habaar waalid ma hadho. 
4. habar baas inan baas bay ahayd. 
5. Habar caal weydey durey bay hafartaa 
6. habar dhali wayday aleelo ku waalatay. 
7. Habar fadhida legdini wax uga fudud 
8. Habar Jeclo, hadalka dib bay u gocotaa 
9. Habar roob hayo, ta kalena inuu hayey modaa. 
10. Habeen ciidan maaha 
11. habeenkii hoos baa loo hadlaa maalintiina hareera haa layska eegaa. 
12. hadal aan fiiro loo odhani wuu kula fogaadaa, caano aan fiiqsi loo dhamina feedhahay wax yeelaan. 
13. hadal badani haan ma buuxsho. 
14. hadal hadal kama dheera. 
15. Hadal intaadan buu ammaan yahay 
16. Hadal iyo hablaba duco la'aan bay tarmaan. 
17. Hadal iyo hilbaba kala qalan. 
18. hadal lama wadaagee caanaa la wadaagaa. 
19. hadal nin badiyeyna ma dhamayn nin yareeyeyna waxba kama tegin. 
20. Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin. 
21. Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday 
22. hadal tuurtuur kuma sama. 
23. hadal waa dheh iyo dhagayso. 
24. Hadal waa la kala odhan og yahay illaahayna waa la kala bariyi og yahay. 
25. hadal waa margi. 
26. Hadal waa mergi hadba meel u jiidma 
27. hadal waayeel waa guudmar.. 
Hadal yar iyo hawl badan. 
28. hadalaw nin si kuu yidhi hawraarayna ninba si kuu qaaday. 
29. hadalka kiisa kulul iyo kiisa qaboobi meel buu isugu tagaa. 
30. Hadalka wanaagsani waa sadaqo 
31. hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu amaanadaa yahay. 
32. Hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu ammaano yahay. 
33. hadalna sii dhehbaa diley hanbana sii hudhbaa dishay. 
34. haday fooli timaado gudo qarsiimo reeban. 
35. hadba sidii loo jabaa loo dhitiyaa. 
36. haddaad been sheegayso been run u eeg sheeg. 
37. haddaad hungurooto waa la hadlaa oo habaa la dhisaa wax laug helo. 
38. haddaad tagto meel lagu il laayahay ishaa layska ridaa. 
39. Haddaan sacabka xeeli ku jiran, maxaa habeenkii loo tumaa. 
40. Hadday curaddii durdurisay aaran maxaad moodday. 
41. Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan 
42. Hadday tubaako, faa'iido leedahay Habargidir baa liqi lahayd. 
43. Haddii aan la kala roonaan roob ma dao 
44. Haddii uu deg degsiinyo door dhalo raagsiin yuhuna kiish lacaguu dhalaa. 
45. Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheegaa. 
46. hadii aad dhimanayso dhareerkaa layska duwaa. 
47. Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo 
48. Hal libaax arkaysaa ma godlato. 
49. Hal libaax arkaysaa ma godlato. 
50. Hal maqaarka diidaysaa daldalool bay ka eegtaa. 
51. Haliba wiilkay korisaa, wedkeeda leh. 
52. halmaan hadal kuma jiro. 
53. Hamba soor ma eh 
54. Hangaraarac lug uma dhutiyo. 
55. Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh. 
56. Hasha naasa adag iyo weedha (hadalka) maxaa kulmiyey 
57. Hashu ragaadka, maysku eryeysaa, mise wayska bixinaysaa. 
58. Hawli jid caddeysay. 
59. Hawo iyo hoos galbeed labadaba lama gaadho. 
60. Heeraa wan ma eh?? 
61. Heesta geelu waa kala horreysaa. 
62. Hilib beer laga dooray waa weyd. 
63. Hilib hal dukhsi ayaa qudhmiya 
64. Hillaac biyihiisuu muujiyaa. 
65. Hoonbaro libaax bay soo wadaa. 
66. Hooyadii ka guure habar yartii kuma negaado. 
67. Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo. 
68. Hubsiimo hal baa la siistaa. 
69. Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa 
70. Hunguri weyni kuunto weyni baa laga qaadaa 
71. Hunnu hunnu hadal maaha, himbiriirsi arag ma aha 
72. Hurdo cagahay ka bilaabataa. 
73. Hurdo habar ma koriso.
1 Comment
 
<< Previous

    inta ka baro af hindi

    Picture
    Loading

    Qoraaga:Cabdiqani

    faa'idey ama faai'deyso

    Archives

    October 2011
    June 2011

    Xulo, EE Aqriso

    All
    Aqristow Ma Ogtahay?
    Fadlan U Faaiidee Walaalaahaga Soomaaliyeed Waxaad Dheertahay!
    Gabar Soomaaliyeed Oo Lagu Kala Iibsaday Magaalada Johannesburg Ee Dalka K/Afrika Dhacdo Yaable.
    Jaceyl
    Maah Maahyo Xarafka C
    Maah Maahyo Xarafka G
    Su'aalo Iyo Jawaabo
    Suaalo Iyo Jawaabo Ku Saabsan Jacaylka

    RSS Feed

    Furaha Nolosha

    Create Your Badge

Powered by Create your own unique website with customizable templates.