Furahanolosha.tk
ka baro wax walba
  • Home
    • Windsor
    • Aqoon kororsi
      • Furahanolosha Live TV
      • Cashiro
        • Xisaab
          • Computerka
            • Heeso
            • Download
            • Heeso Qoraal leh
            • Ila Qosol
            • Chatroom
            • Contuct us
            • live soccer
            • Dhageyso Quran
            • Hor'umar
            Loading

            Qeybta 1aad

            Soomaali English


            Socod Karaarsan                            Accelerated Motion

            Amin                                                         Time

            Barobax                                                  Displacement

            Fogaan                                                    Distance

            Karaar                                                     Acceleration

            Keynaan                                                Velocity

            Xawaare                                                 Speed

            Celcelis                                                 Average

            Socod Winiin                                Circular Motion

            Barobax –xagleed                           Angular Displacement

            Gacan                                                   Radius

            Karaar –xagleed                              Angular Acceleration

            Keynaan –xagleed                          Angular Velocity

            Xoog                                                    Force

            Culeys                                                  Weight

            Xoog –cuf –isjiidad                        Gravitational Force

            Xoog –dilaac                                     Shear Force

            Xoog –giigsan                                   Tensile Force (tension)

            Xoog –islis                                          Frictional Force

            Xoog –ligan                                         Normal Force

            Xoog –taab                                          Tangential Force

            Xoog –urrur                                        Compressive Force (compression)

            Xoog –xudumeed                             Centripetal Force

            Weheliyaha isliska                            Coefficient of Friction

            Daafad                                                 Momentum

            Daafad –xagleed                                 Angular Momentum

            Gujo                                                          Impulse

            Gujo –xagleed                                      Angular impulse

            Kalka                                                        Period

            Maroojin                                                Moment

            Maroojinta Wahsiga                          Moment of inertia (Angular mass)

            Walhade                                                 Pendulum

            Tamar                                                   Energy

            Hawl                                                            Work

            Awood                                                         Power

            Tamar-keyd                                             Potential Energy

            Tamar-socod                                           Kinetic Energy

            Xisaab

            Isticmaalka ama dabbakhida xisaabta dhiraandhirinta (Derivative)Xisaabtan looyaaqaano dhiraandhirinta ama afka qalaad loogu yeedho “derivative” waa qaybta asalka u ah labada qaybood ee ay ‘Caculus’tu u qeybsanto, taas oo leh faaiidooyin ama isticmaal farobadan oo xal u ah weydiimooyin xisaabeed oo faro badan. Hadaba si ay u fududaato isticmaalka dhiraandhirintu aynu soo qaadano tusaalooyin faro badan oo ku saabsan xisaabtan aadka muhiimka u ah.Tusaale 1:-Warshada kaaluunka samaysa ee laasqorey ayaa doonaysa inay sameyso kartoono(baakado) lagu keydiyo kaluunka ay qasacadeyso. waxayna warshadu go’aan ku gaadhey in kartoon kasta oo ka mida kartoomadaa uu yeesho sal labo jibaaran islamarkaana wadarta bed-duleedka kartoon kasta uu noqdo 192 mitir oo labojibaaran, sida ka muuqata jaantuska hoose. Muxuu noqonayaa kartooka dhalinaya mugga ugu weyn dhinacyadiisu(dimensions)

            Xalin:-Sababtoo ah kartoonka oo leh sal labo-jibaaran, muggiisa waxaa lagu helaa (sal x sal x jog) ama Mug (V) = x.x.h = x2. h, Sidoo kale wadarta bed-duleed (Surface area,)(S) waxaa lagu heli karaa bedka salka + bed-deleedka ama S = x2 + 4xh .S = 192x2 + 4xh = 1924xh = 192 – x2 (dhinac walba ka goo x2)h = (192 – x2)/4x (dhinac walba 4x u qeybi)V = x2h» V = x2(192 – x2)/4x (booska h dhig qiimaheda)= x2(192/4x – x2/4x )= 192x/4 – x3/4 = = 48x – x3/4Imika isticamaal dhiraandhirinta (derivative) si aad u heshid dhinacyada kartoonka ee dhalinaya mugga ugu weyn.Horaadka (D) muuqda (feasible domain) ee ay X noqon karto , ee waliba macnaha sameenaya weydiintan waa :- 0 ≤ x ≤ √192V = 48x – x3/4dV/dx = 48 – 3x2/4dV/dx = 0 = 48 – 3x2/4 = 03x2 = 192x2 = 192/3 = x2 = 64X  =  ± √64  › X = ± 8-8 kamid maaha horaadka muuqda ee X, sidaa ajligeed X = 8 .jooga kartoonkuna waa :- h = (192 – x2)/4x = (192 – 82)/32 = 4Sidaa daraadeed dhinacyada kartoonku waa in ay noqdaan 8 x 8 x 4 si ay u dhaliyaan mugga ugu weyn kaasoo ah 256m3.Fiiro gaara:-Waxaa jira kartoono sal labo jibaaran leh oo aan tiro (xad) lahayn oo leh wadar bed-duleed(surface area) lamid ah 192 (ie: (42 + 4 x 4 x 11), ama (52 + 5 x 2 x 16.7), iwm) balse dhamaan dhinacyada kartomadaasi ma dhalinayaan muga ugu weyn. Kan aynu xisaabiney dhinacaydiisa ayaa ah ka kaliya ee samaynaya muga ugu weyn. Halakaas waxaad ka ogaan kartaa faaiidada ay leedahay dabakhida ama isticmaalka dhiraandhirinta(derivative).Tusaale 2Engineer guryaha dhisa ayaa doonaya inuu nashqadeeyo cabirka daaqadaha guri ku yaala magaalada kismaayo.waxa uuna Engineerku doonayaa in daaqadkasta qeybteeda sare u ekaato nus-goobo (goobo barkeed), qeybta hoosana ahaato leydi sida daaqadaha caadiga ah, sida ka muuqata jaantuska hoose. Muxuu noqoneyaa cabirka hareeraha(dhinacyada) daaqadkasta ee uu Engineerku nashaqadeynayo, dhinacyadaasoo samaynaya bedka ugu weyn ee dariishadaha, hadii wareega guud ee daaqadkasta uu yahay 8m?XalSiin<Wareega guud = 8<Wareega nus-goobada = pr / 2<Wareega leydiga = x+2yWeydiin<!Dhinacyada dhalinaya bedka ugu weyn?Wwareeg (P) = x + 2y + (px/ 2)8 = x + 2y + (p.x / 2)16 = 2x + 4y + px (dhinackasta ku dhufo 2)4y = 16 – 2x – px (dhinac walba ka jar 2x iyo px)Y = 4 – x/2 –px/4Bed (A) = bedka leydiga + bedka nus-goobada= x . y + (p. (x/2)^2 )/2= x (4 – x/2 –px/4) + p/2(x^2/4)= 4x – (x^2)/2 –(px^2)/4 + (px^2)/8= 4x – x^2/2 – px^2/8Isticmaal imika habka dhiraandhirinta saad u heshid dhinacyada dariishadkasta kaas oo dhalinaya bedka ugu weynA = 4x – x^2/2 – px^2/8dA/dx = 4 – x – px/4dA/dx = 04 – x – px/4 = 04 = x + px/44 = x(1 + p/4)4 = x(4 + p )/4X = 16/ (4 + p )dhiraandhirinta labaad (second derivative) ee bedku waa (– 1+p/4), kaas oo taban marka X = 16/ (4 + p).Sidaa daraadeed marka dhinacyada dariishad kasta ay kala yihiin: X = 16/ (4 + p), ( ≈2.24) , Y = 32/ (4 + p), ( ≈ 4.48) ayaa samaynaya bedka ugu weyn ee daaqad kasta. layli



            1. Taranta labo tiro oo tirsiima ayaa ah 180 isla markaana wadarta labada tiro ayaa ah ta ugu yar, Raadi labad tiro?
            2. si uu u dhiso cali wado weyn oo u dhexeysa labo magaalo ayaa ay khasab tahay inuu buuxiyo tog u dhexeeya labada magaalo kaasoo dhinacyada janjeedhkiisu kala yihiin 5% and 6%. hadii labada dacal ee sare ee togu isu jiraan masaafo dhan 100m Raadi cabirka meesha ugu hooseysa ee toga?
                  

            &&&  ____________________________________ &&&



            Isle’egyadaIsle’egyada waxaa lagu xalin karaa dhowr qaab oo kala duwan . Waxaana ka mid ah qaababkaa: qaabka daboolida, qaabka wareejinta iww.



            Tusaale 1 qaabka daboolida(cover up method)



            Xali isle’egta hoos ku qoran



             gacantaada saar tirada door

            soomaha wadata



            , waxaa halkan kaaga cad in tirada aad gacantaada saartay ay lamid tahay 4 taaso marka loo qeybiyo hooseeyaha (4) maxsuulka soo baxaya uu yahay 1. Sidaa daraadeed



            3x = 4  dhinac walba u qeybi 3



            X = 








            Tusaale 2





            Xali isle’egta hoose





            4x + 5 = 7





             + 5 = 7





            4x = 2





            Xusuus:-

            Qaabka daboolida marka la isticmaalayo waxaa

            la daboolayaa(qarinayaa ) tirada doorsoomaha

            wadata mar walba kadibna waxaa la

            le’ekeysiinayaa tiradan doosoomaha wadata ee

            la qariyey tirada run kadhigaysa isle’egta lagu

            siiyay   

            Powered by Create your own unique website with customizable templates.