Furahanolosha.tk
ka baro wax walba
  • Home
    • Windsor
    • Aqoon kororsi
      • Furahanolosha Live TV
      • Cashiro
        • Xisaab
          • Computerka
            • Heeso
            • Download
            • Heeso Qoraal leh
            • Ila Qosol
            • Chatroom
            • Contuct us
            • live soccer
            • Dhageyso Quran
            • Hor'umar

            Baladweyn

            Picture
            Bi'i waa jacaylow
            boodhari inuu dilay
            been baan u haystee
            bi'i waa jacaylow
            boogaan la dhayinoo
            cidi baanan karinoo
            beerka iyo wadnaha iyo
            bogga kaaga taalliyo
            inuu yahay bir caashaqu
            been baan u haystee.

            webigoo butaacoo
            beeraha waraabshoo
            dhulku baadku jiifoo
            dhirta ubaxu buuxshoo
            badarkiyo gelleyddii
            laga tuuray baalkoo
            canabkii bislaadoo
            bulladiyo ciyaaraha
            lagu waa bariistoo
            beeluhu gu' joogaan
            saw bari samaadkii
            beledweyne maan tegin.
            dhanka bari magaalada
            saw boqorod joogtoo
            biyo dahab la moodoo
            bilicdii haweenkiyo
            bili loo dhammeeyoo.

            Timo boqonta joogoo
            baal goray la moodoo
            baarkana casaankii
            bidix midig is gaadhoo
            bul cad lagu sideeyo.
            badh ku seexanaysoo
            barkanaysa qaaroo
            huuwanaysa baaloo
            igu beertay lahashoo
            u buseelay maan baran.

            saw goor barqa ahoo
            bishu ay siddeed tahay
            aniga iyo beerlula
            isku maanan soo bixin.

            saw bariidadaydii iyo
            saw badashadeedii
            buundada ciyaartee
            beledweyn ku taalee
            biyo lulata guudkood
            badhtankeeda maahayn.
            sow bixiso weeyee
            balan maanu dhiganoo
            beri joog imay odhan.
            sow bayd go'aygii
            layguma bushaarayn.
            maantaa la baxayaa
            bulshadii imay odhan.
            sow waa bestayoo
            socod beegsan maayee
            Ina baaja caawoo
            I baxnaansha maan odhan
            sow taliye baasoo
            ba' anoo war moogi
            taydii ma beeneyn
            sow badiba kooxdii
            goortay badheedheen
            baabuurka fuuleen
            ana baal kamaan korin
            boholyow daraaddii
            sow baraq nuglaantii
            balo lagu ducaystiyo
            baryo kuma maqnaynoo
            biri may xumaatoo
            baadroolka daadsho
            ka wadaa bukoodoo
            bogsan waayo maan odhan
            Sow beriga waagiyo
            barqa kulul dhexdoodii
            geed baaxad weynoo
            dherer iyo ballaar lehoo
            baladweyn ku caanoo
            la yiraahdo baaroo
            bilig dheer hirkiisii
            ma bidhaansanaynoo
            bulxankiisa yeedhiyo
            ma maqlaynin baaqoo.
            sow baaxad soorihii
            iyo laba boglayntii
            maan noqon bestayoo
            bacadkii ma dheelliman.
            sow galab boqoolkii
            annagoo barwaaqiyo
            meel baadle joognoo
            tumanaynna Beerrey
            Sooma soo baraarugin
            riyo beena weeyee
            saw baalla daymii
            baabuur lalaayoo
            haad baalle moodoo
            fananaayo buur dheer
            isma odhan ka boodo
            nafta sow ma biimayn
            nin Banaadir joogoo
            baledweyn la haystoo
            waxaan ahay la baabee
            saw baadi doonkii
            wali baafis maan ihi

            beledweyn alahayow
            ka dhig guri barwaaqee
            beerlula alahayow
            balaayada hareer mari
            beledweyn alahayow
            ka dhig beerta raaxada
            beerlula alahayow
            guryo samo ku nooleey
            beledweyn alahayow
            ka dhig xero baraare
            beerlula alahayow
            garab mari waxyeelada
            beerlula alahayow
            garab mari waxyeelada
            beerlula alahayow
            balaayada hareer mari
            beerlula alahayow
            guryo samo ku nooleey

            Picture
            Picture

            Naruuradee jacaylkee


            By Lafoole

            Nuurkii indhaha iyo
            Nafta raaxadeedaay
            Taan nasiibka ku hamiyaay
            Calaf ineey u noqotaay

            Ku nagaatay labtoo
            Nuudayaasha beerkiyo wadnaha
            baad ku nabantahayee

            Naruuradii jacayl kaay
            Sharka laga nasahayee
            Sidii nirigta maandeeq
            Naxariista eegmada
            Ugu soo noqnoqotaan
            Bilaneey kuugu nugulahay
            Niyadeeydu gacalooy
            Mideey naawishaad tahay

            Tii nacab iblaysiyo
            Naxli laga fogeeyaay
            Noocii ijaabada
            Tii lagu nisbeeyaay
            Nooci ijaabada
            Tii lagu nusbeeyaay
            Nasteexadii Ilaaheey
            Tii aan ka nooginee
            Naajax ku ahaydee



            Nugul laba u kala roonee
            Naqa iyo abaartuye
            Soow laabta umaad noqon
            Dagarka iyo doogii

            Nacas lama amaanee
            Naagaba adoo wacan
            Nin raga saamigii siyee

            Naruuradii jaceeylkee
            Sharta laga nasahayee
            Sidi nirigta maandeeq
            Naxariista eegmada
            Ugu soo noqnoqotaan bilaneey
            Kuugu nugulahay
            Niyadeeydu gacalooy
            Mideey naawishaad tahay

            Powered by Create your own unique website with customizable templates.