Nin tuugsade ah ayaa habeen habeenada ka mid ah wuxuu soo maray rag gurigooda ku cawaynaya, markaasuu ku yiri "Magana alle" waxay ku yiraahdeen "allah ha ina siiyo" markaasu yiri "Xataa jab muufo ah oo qalayl ah maad isiisqaan" markaasay yiraahdeen "ma haysano" markaasu yiri " Xooga har haraa ahna maa isiisaan" markaasay yiraahdeen "ma awoodi karno" Isagoo quus ku dhaw ayuu ku yiri "Hadaba galaas biyo ah isiiya" Hase ahaate waxay ku yiraahdeen " biyo nooma yaalan " Kolkaasu ku yiri " waa maxay meesha aad fadhidaan ,ina mariya aan wada tuugsanee ileen idinkaa iga mudan in la tuugsadee".